Markab lagu weerary xeebaha Hindiya iyo dalka lagu tuhmayo

Markab nooca Kiimikada xambaar ah ayaa lagu weeraray diyaarad Drone oo la sheegay in ay ka timid dhanka dalka Iran, xilli uu marayay Badweynta Hindiya Sabtidii, sida ay sheegeen militariga Mareykanka.

Pentagon-ka Mareykanka ayaa sheegay in markabka Chem Pluto lagu weeraray meel ka baxsan xeebaha Hindiya.Dab ka kacay markabka ayaa la damiyay markii dambe. Ma jirin wax khasaare ah oo ka dhashay. Iran ayaan wax war ah ka soo saarin dhacdadan.

Dhawaanahan waxaa ka dhacayay weeraro is xigxigay oo ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaalaha oo lala beegsaday maraakiib marayay badda cas oo ay fuliyeen fallaagada Xuutiyiinta Yemen ee ay taageerto Iran

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker