Safiirkii Dowladda Talyaaniga Ee CONGO Oo Lagu Dilay Dalkaas

Safiirkii Dowladda Talyaaniga u fadhiyay dalka Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo Luca Attanasio ayaa maanta lagu dilay meel ku taalla bariga waddankaasi ay colaaduhu la dageen.

Safiirkan oo uu fadhigiisu ahaa magaalada Kinshasa ayaa Isniinta maanta ah geeriyooday kaddib markii koox hubeysan ay rasaas ku fureen kolonyo gaadiid ah oo ay laheyd hey’adda WFP, xilligaas oo uu safiirku booqanayay meel ku dhow Goma oo ku taalla bariga Jamhuuriyadda Dimuquraadiga Congo, sida ay ilo doplomaasi ah xaqiijiyeen.

Ilo-wareedyo kale ayaa sheegay in laba qof ay ku geeriyoodeen weerarkan, ayna kala yihiin safiikra iyo darawalkiisa. Sidoo kale WFP ayaa sheegtay in tiro kale oo dad rakaab ah ay ku dhaawacmeen.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda Talyaaniga ayaa war kooban oo ay goor dhoweyd soo saartay ku xaqiijisay geerida safiirka.

Diblomaasi sare oo ku sugan Kinshasa ayaa wakaaladda wararka AFP u xaqiijiyay in Danjire Luca Attanasio uu u geeriyooday dhaawac weerarkaas kasoo gaaray.

Sidoo kale afhayeen u hadlay ciidamada ku sugan gobolka waqooyiga Kifo, Gayuum Dike ayaa isla wakaaladda u sheegay in weerarkaasi ay ku nafwaayeen laba diblomaasi oo kale.

Wakaaladda wararka Reuters ayaa iyaduna sheegtay in Safiika Talyaaniga ee waddanka Jamhuuriyadda Dimuquraaddiga Congo uu la geeriyooday saraakaal ka tirsan ciidamada oo wehlinayay.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker