Maayarka Berbera Cidin oo Sameeyay Musuq Maasuq balaadhan, Fooqyada iyo dhismayaasha kale ee Berbera

Barobogaabdooyinka uu Dhaqaalaha u Isticmaalayo ee Adeegsiga Warabaahinta iyo Baraha Bulshada, Tan iyo intii uu Qabsadey Xilka Gudoomiyaha Golaha Deegaanka Degmada Berbera Maayarka Xiligan Cabdishakuur Maxamuud Cidin Waxa aan Markhaati loo Doonayn in uu bilawgii ilaa iyo Maanta ku guda jiro Faraqabsi iyo hanti Urursi aan Xuduud laheyn, oo ay Ugu badan yihiin Qaadashada iyo iibsashada dhulka Danta guud oo aanu Waxba kaga tagin Mudadii Xukuumadii hore iyo ilaa iyo Maanta oo uu Wali gudajiro Hantiboobka aan Qiyaasta lahayn, Waxaanay Wali Shacabka Reer Berberi la yaaban yihiin Halku dhega uu Ka Dhigtey jaahwareerinta Bulshada ee Isticmaalka Warbaahinta iyo Baraha Bulshada oo iyaguna Bartilmaameed u ah Yool habaabinta Musuqmaasuqa Dhismayaasha Fooqyada iyo iibsashada Dhulka Danta Guud.

 

Ilaa iyo hadda inta la ogyahey Xaqiiqda Waxa uu Magaalooyinka Berbera iyo Hargeysa ka dhistey Guryo ka badan Boqolaal oo Ku dhaw kunka Kuwaas oo intooda badan kharashka Dhismahooda lagu qiyaasay Lacag Dhan Malaayiin Dollar, oo hantidii Umada ah Waxaanay Guryahaasi hadda Boqolkiiba Lixdan Yihiin Meherado Bakhaaro ah oo la kireeyay iyo Guryo Lagu kireeyay lacag badan oo isagu Shakhsi ahaan gaar u leeyahay, Talaabooyinkiisa noocan ah ayaa noqonaya Musuqmaasuqii ugu Adkaa ee ugu Foosha Xumaa ee abid Soo Mara Magaala Xeebeeda Berbera, Maadaama uu ku Suntan yahey Boobkii Dhulka Danta Guud ee Ka dhacey Gudaha Magaalada Berbera gaar ahaana Dhulkii lana Taabtaanka ahaa ee Raasigu kamidka ahaa oo uu isagu Waxna Awoodiisa ku Bixiyay Boqolkiiba Shan iyo Todobaatan kamid ahna isagu Sigaar ah u Qaatey.

Warbaahinta HargeisaPress oo Siweyn ugu kuurgashey islamarkaana Wariyayaal kamid ah oo Dabagalka iyo Xogaha Raadintooda khibrad dheeraad u leh oo haatan ku Sugan Magaala Xeebeeda Berbera Waxa ay Dhawaan idiin Soo Gudbin Doonaan Xogaha hantida Maayarka Warbixino ku Sahabsan Dhulka u Xidhan ee uu Seeraystey Sawiradooda iyo halka ay ku yaalaan Qiimaha ay hada Berbera ku joogaan iyo Waliba Khiyalka.

 

 

 

info@hargeisapress.com 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker