Malleeshiyo-beeleed iyo Ciidammo Puntland oo weeraray magaalada Waqderiya ee Gobolka Sanaag

Wararka ka imanaya degaanno Xeebaha Sanaag ayaa sheegaya Ciidammo hubaysan oo isugu jira Malleeshiyo-beeleed bariga Sanaag kasoo ujeeda iyo Ciidammo Pentland ktirsan islamarkaasna adeegsanaya gaadiidka Tignikada looyaqaan oo waaberigii saaka waxay weerar kuqaadeen magaala-xeebeedda Waqderiya ee Gobolka Sanaag.

 

Ciidammadan ayaa sida lasheegayo gacanta kudhigay magaaladaas, sidoo kalena qabsaday inta lahubo hal gaadhi iskarogo halkaas kusugnayd, iyadoo wararka lasoo sheegayna intaas kusii darayaan in ciidammadaasi halkaas kuqafaasheen shakhsiyaad dhallinyaro halkaas kusugnayd iyo qoryo AK 47 ah., iyo weliba in dagaalku kuridey dadka degaankaas oo is urursaday iyo ciidammada duullaanka qaaday, dagaalkaasina ilaa goor gaaban oo galabta ah uu soconayey balse khasaaraha dagaalkaas ilaa hadda aan xaqiiqo sugan laga hayn.

Dhinaca kalena magaaladan Waqderiya ayaa dhawr jeer oo hore lagubey sidoo kalena dagaallo kudhexmareen Ciidammo kuwan oo kale ah iyo dhallinyaro hubaysan oo degaanka kasoo jeedda.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker