Madax-dhaqameedka Degaanka Marxuum Suldaan Maxamed Cabdiqaadir Oo Madaxweynaha Kulan La Yeeshay

Madax-dhaqameedka Deegaanka Marxuumka Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo dhawaan geeriyooday, ayaa madaxweynaha la yeeshay kulan ay kaga mahadnaqayaan doorkii shariifka ahaa iyo kaalintii mugga iyo milgaha lahayd ee madaxweynaha qaranka iyo guud ahaan xukuumadda uu hoggaamiyaa ka qaadatay Aaskii qaran ee loo sameeyey marxuumka.
Kulankan madaxweynuhu la qaatay madax-dhaqameedka oo ay ka qaybgaleen suldaan Daa’uud Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo uu dhalay marxuum Suldaan Maxamed, madax-dhaqameed, wasiiro iyo siyaasiyiin kale ayey ujeeddadiisu ahayd mahadnaq ay madax-dhaqameedkani ugu tageen madaxweynaha iyo duco lagu baarigayey suldaanka cusub ee xilka saldanadda la wareegay.
Wasiirrada wasaaradaha Xannaanada Xoolaha iyo horumarinta Kalluumaysiga, Mudane Siciid Sulub Maxamed, Waxbarashada iyo Sayniska, Mudane Axmed Maxamed Diiriye, La-taliyaha madaxweynaha Somaliland ee arrimaha doorashooyinka, Mudane Maxamed Cabdilaahi Daahir (Cukuse) Suldaan Aadan Faarax Cumar, jiif Caaqil Cabdiweli Jaamac Cabdi, Garaad Mustafe Maxamed Cumar iyo xubno kale oo katirsan madax-dhaqameedka oo hadallo ka jeediyey kulanka, ayaa si isku mid ah madaxweynaha ugaga mahad-celiyey kaalintii taariikhiga ahayd ee uu ka qaatay Aaskii Suldaan Maxamed, abaabulkiisii iyo diyaarintiisiiba.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa madax-dhaqameedka iyo salaadiinta uga mahadceliyey kulanka mahadnaqa ah ee ay ugu yimaaddeen, waxana uu u duceeyey suldaanka cusub ee dhallinyarada ah, waxana uu yidhi,“Suldaan Daa’uud oo cusub oo maanta aynnu wadno aad iyo aad bay sharaf noogu tahay marka hore qaran ahaan inaad noo keentaan oo aannu u ducayno oo aannu is aragno, qof ahaanna sharaf bay ii tahay.”
Wa-bilaahi Tawfiiq
+11
Mohamed Hassan Daacad and 343 others
49 comments
89 shares
Like

 

Comment
Share

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker