James Swan Oo Sheegay in Xiisadda Siyaasadda Ee Soomaaliya Ay Kasii Darayso

Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilan Soomaalia James Swan ayaa sheegay in xiisadda siyaasadda ee sii cakirmaysa ee Soomaaliya ay halis ku tahay horumarkii laga samaynay dib u dhiska hannaanka dawladdeed ee Soomaaliya iyo xataa xaaladda amniga.

Swan waxa uu walaac ka muujiyey iska hormaadka, xeeladaha cadaadiska iyo awood muujinta oo uu sheegay inay halis ku tahay xaaladda waddanka.

Waxa uu sheegay in heshiiskii la gaaray 17-kii Sebtember u yahay kan ugu habboon ee lagaga bixi karo dib u dhaca dooarshada, iyo xaqijinta in hoggaamiyayaasha Soomaaliya ay idan cad u haystaan wajaibaadkooda isla markaana loogu soo noqon alhaa in mudnaanta la siiyo ajandayaasha qaranka.

Waxa uu sheegay in loollalnka afka uu sii saa’idayo, isla markaana dhacdadii 19-ki Febraayo ay carqaaladaysay shrikii lagu qaban laha a Muqdisho ee lagu dhamaystiri lahaa heshiiska September 17.

Waxa uu sheegay  inay ku dadaalayaan sidii ay labada mamaul ee Jubaland iyo Puntland ugu soo biiri ahaayeen wadahadallada.

Waxa uu ku cleiyey inaanay  aqbalayn doorashooyin qayb ah, kuwo is garab socda iyo kuwo gaar ah toona, waxaana uu ugu baaqay dadka Soomaaliyeed inay wada hadlaan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker