Hogaamiyihii Mucaaradka Dalka Rwanda oo lagu dilay dalka Koonfur Afrika

Hogaamiyihii mucaaradka dalka Rwanda Seif Bamporiki ayaa lagu dilay dalka Koonfur Afrika oo uu muddo musaafuris ku ahaa .

Geerida hogaamiyahan waxaa xaqiijiyay mas’uuliyiin ka tirsan xisbigiisa oo lagu magacaabo Rwanda National Congress (RNC) .

Dilka ayaa waxa uu ka dhacay magaalada Cape Town, waxaana Seif lagu dhuftay hal xabo isaga oo gaarigiisa dhax fadhiya.

Waxaa laga qaatay taleefankiisa gacanta iyo boorsada jaabka ee lacagta lagu qaato.

Macadda cidda ka danbeysay dilka, booliska Koonfur Afrika ayaa weli waxay baarayaan sida ay wax u dhaceen iyo sababta dilka ka dambeysay.

Dowladda Rwanda ayaa waxaa horay loogu dhaliilay in ay raadsato mucaaradka ku kacsan ee dalka dibadiisa jooga.

 

https://www.bbc.com/news/world-africa-56119088

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker