Iiraan Oo Xabsiyadda Si Ku Meel Gaadh Ah Uga Sii Daysay Siyaasiyiin

Dawlada Iiraan ayaa si ku meel gaar ah xabsiyada uga sii deysay kumaan maxbuus oo dheeraad ah oo ay ku jiraan siyaasiyiin ka tirsan Mucaaradka.

Talaabadan ayaa looga gol leeyahay sidii lagu yareyn lahaa qatarta caabuqa Corona oo ay dowlada Iiraan culeys kala Kulmeyso.

 

Amarka ay ku dhawaaqday xukuumada Tehraan ayaa imaanaya, iyadoo todobaadkii hore waaxda garsoorka ay si ku meel gaar ah u sii deysay 70,000 oo maxbuus kuwaasi oo aan galin danbiyo Culus.

 

Afhayeenka waaxda garsoorka Iiraan Mr Qulaam Xuseen Ismaaciili ayaa sheegay maanta in 85,000 maxbuus xabsiyada laga daayay, kadib markii ay soo baxday cabsida la Xidhiidha caabuqa Corona.

 

Maxaabiista la sii daayay ayaa badi waxay ahaayeen dad lagu qabtay mudaaharaadyadii Lagaga soo horjeeday dowlada Iiraan ee dhacay bishii November ee Sanadkii Hore.

 

Si kastaba ha ahaatee waxaa la filayaa in ay dib ugu laabtaan xabsiyada 3-da bisha soo aadan ee April.

Dalka Iiraan ayaa wuxuu ka mid yahay wadamada ugu badan ee uu saameeyay cudurkaan oo ay dad badan u Dhinteen.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker