Maxaa Ka jira in Turkiga Ka Sameysanayo Soomaaliya Saldhig Dayax-gacmeed?

Madaxweyne Erdogan ayaa fagaare ka sheegay in dayax gacmeed ka turjumaya qaranimada Turkiga ay u diri doonaan meeraha sare, taasoo sida uu sheegay ku iman doonto iskaashi heer caalami ah.

“Dayax gacmeed aan leeyahay oo ka turjumaya qaranimadeena ayaan u diri doonnaa meeraha sare, taas oo ku imaanaysa iskaashi caalami ah. Xididadeena waxay ku jiri doonaan dhulka, laamaheenana waxay kor ugu bixi doonaan samada, waxaan joognaa dhulka, laakiin waxaan ku sii jeednaa hawada sare.” Ayuu yidhi Madaxweyne Erdogan.

Barnaamijkan waxaa ku bixi doono lacag dhan hal bilyan oo dollarka Mareykanka, dad badan oo Soomaaliyeed-na waxay u noqon doontaa shaqo abuur, inta uu dhismihiisu socdo.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker