Boqor Buur-Madow oo u jawaabay Wasiir ka tirsan Dowladda Soomaaliya

Boqor Cismaan Maxamuud (Buur-madow) oo ka mid ah madax-dhaqameedka waaweyn ee Somaliland, ayaa raalli-gelin ka bixiyey hab-dhaqanka Wasiir ka tirsan dowladda Soomaaliya oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Beesha uu boqorku madax-dhaqameedka u yahay.

Boqor Cismaan Maxamuud oo isagoo ku sugan magaalada Dubai ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta khadka telefonka ugu warramay Weriye ka tirsan Telefishanka Bulsho, waxa uu raalli-gelin ka bixiyey Hadalka ka soo yeedhay Wasiirka Warfaafinta ee Soomaaliya Cismaan Abokor Dubbe oo weerar afka ah ku qaaday waddamada deriska qaarkood sida Dowladaha Jabuuti, Imaaraadka Carabta iyo Kenya oo dhammaantood xidhiidh wanaagsani ka dhexeeyo Dowladda uu dhalasho ahaan ka soo jeedo ee Somaliland.

Boqor Buur-madow waxa uu sheegay inuu raalli-gelin ka bixinayo hadalladaas ka soo yeedhay wasiirka maadaama oo uu madax-dhaqameedkiisa yahay, sidoo kalena uu ka tirsan Dowlad Wakhtigeedii dhacay oo aan sharci ahayn.

Waxa uu boqor Buur-madow sheegay inuu talooyin dhaxal-gal ah u jeediyey Wasiir Dubbe ka hor intii aan xilka wasiirnimo looga magacaabin dowladda Madaxweyne Farmaajo isla markaana uu u sheegay inaanu ku-godob qaadan dowlad muddo-xileedkoodu dhammaaday oo saddex bilood u hadhsan tahay ee uu iimaansado dalkiisa Somaliland.

Waraysigan oo Faahfaahsan ka daawo Muuqaalka Hoose

 

Wasiirka Warfaafinta ee Soomaaliya Cismaan Dubbe ayaa tiraba dhowr jeer oo uu warbaahinta la hadlay waxa uu eedaymo u jeediyey Dalalka Jabuuti, Kenya iyo Imaaraadka Carabta oo saddexdoodaba xidhiidh dibloomasiyadeed iyo Horumarineed ka dhexeeyo Jamhuuriyadda Somaliland.

Wasiir Cismaan Dubba, ayaa bishii January ee sannadkan ku eedeeyey dalka Jamhuuriyadda Jabuuti inuu la saftay dalka Kenya, kaddib markii wefti xaqiiqo raadin ah oo dalka Jabuuti ka socday loo diray xuduudka u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya. Guddigan ayaa laga saaray shir 20-kii December 2020-kii isugu yimaaddeen madaxda urur-goboleedka IGAD, kaas oo ku qabsoomay magaalada Jabuuti.

2-dii bishii December ee sannadkaas, waxa uu wasiirka Wafaafinta Soomaaliya ku tilmaamay Kenya waddan cadow ku ah qaranimada Soomaaliya, isagoo ku eedeeyey inay Kenya faro-gelin ku hayso arrimaha Gudaha ee Soomaaliya.

Eedaymaha uu Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya u jeediyey dalalka Deriska iyo kuwa cilaaqaadka wanaagsan la leh Somaliland waxa ugu dambeeyey dhaliil uu maanta u jeediyey Dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta oo uu ku eedeeyey inay ku hawlan tahay sidii ay qalalaase uga dhex-abuuri lahayd gudaha Soomaaliya.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker