Xuska Maalinta Dhalinyarada Somaliland Oo Hargaysa Si Weyn looga Xusay

Madaxweyne ku-xigeenka JSL Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa ka qayb-galay xuska maalinta dhalinyarada Somaliland, taas oo ku astaysan maalintii ay dhagaxa sameeyeen dhalinyaradii u UFFO ee 1982-kii.

Maalinta dhalinyarada Somaliland oo sannadkasta 20-ka bisha February sannad kasta laga xuso Somaliland oo ah sannad guuradii 39aad ee ka maalintii ay dhagaxa tuurka sameeyeen dhalinyaradii ururkii UFFO 1982-kii oo lagu qabtay fagaaraha beerta Xoriyadda ee magaalada Hargeysa, waxa hadalo ka jeediyay masuuliyiinta gobolka Maroodi-jeex iyo kawa degmada Hargeysa, masuuliyiin ka tirsan xisbiyada qaranka hoggaanka ururka dhalinyarada Somaliland ee SONYO, Madax ka tirsan wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha Somaliland iyo xubno ka mida qaybaha kala duwan ee bulshada Somaliland, waxaanay ka warameen qiimaha ay maalintaasi u leedahay dhalinyarada Somaliland.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker