Dowlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya iyo shirkadda ugu weyn isgaarsiinta oo heshiis galay

Shirkadda isgaarsiinta dalka Itoobiya ee Ehtio telcom iyo maamulka dowlad deegaanka Soomaalida ayaa magaalada Jigjiga ku kala sexeexday heshiis fududeynaya in isgaarsiinta casriga ah la geeyo meelo go’doon ka ah isgaarsiinta caadiga ah ee waddankaas.

Xafiiska horumarinta magaalooyinka iyo dhismaha ee dowlad deegaanka Soomaalida dalka Itoobiya ayaa sheegay in arrintan ay tahay mashruuc ay ku doonayaan in deegaanno aan horay adeegga isgaarsiinta u heysanin fursad loo siiyo isticmaalka telefoonnada hadalka iyo waliba internet-ka.

Wasiirka horumarinta magaalooyinka iyo Dhismaha ee dowlad deegaanka Soomaalida, Dr Cabdifataax Sheekh Biixi, ayaa   sheegay in ay rajo weyn ka qabaan heshiiskan.

“Waxaan isugu nimid sidii loo xallin lahaa caqabadaha dhinaca isgaarsiinta ee 23 goobood oo ka mid ah dowlad deegaanka, una badan xarumo degmo oo 11-ka gobolba ka tirsan.”

Wuxuu intaas ku daray in hadda deegaannadaas si ku meel gaar ah loo geynayo qalab satellite-ka ku shaqeeya oo isgaarsiin ah, kaasoo suuragalinaya in lagu soo gudbiyo xaaldaha deg degga ah ee ku saabsan dhinaca amniga iyo caafimaadka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker