Qarax is-miidaamin ah Oo Maanta Ka Dhacay Magaalada Muqdisho
Qarax noociisa lagu sheegay inuu ahaa is-miidaamin ayaa goor dhow ka dhacay agagaarka isgoyska taallada Sayidka ee magaalada Muqdisho.
Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qaraxaas oo ahaa mid xoogan, waxuuna ka dhacay meel aad ugu dhow bar-koontarool oo ciidamada ammaanku ay ka ilaaliyaan Madaxtooyada.
Warar hor dhac ah waxay sheegayaan in qaraxa loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qaraxa, waxaana jira dhimasho iyo dhaawac, in kastoo aan weli la heyn tiro rasmi ah.
Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka iyo gaadiidka gurmadka deg dega ah ayaa gaadhay goobta uu qaraxu ka dhacay, si gurmad loogu fidiyo dadka ku waxyeeloobay goobtaas.




