Ninkii Malabsade iyo ‘Xaasaskiisii’ Beenta ahaa Oo Lasoo Xidhay

Ciidamada booliska gobalka Banaadir ayaa soo qabtay wiil dhallinyaro ah oo loo garan ogyahay Malabsade, kaasi oo baraha bulshada kasoo muuqday isaga iyo saddex gabdhood oo sheegay in ay is xaaskiisa yihiin, islamarkaana ay ku nool yihiin hal guri.

Taliska qeybta guud ee booliska gobalka Banaadir ayaa bixiyay amarka lagu soo qabtay wiilkaan iyo gabdhihii la sameeyay sheekada beenta ah, waxaana la sheegay in la baadhayo.

Mid ka mid ah Telefishinada Soomaalida ayaa baahiyay muuqaalka Malabsade oo sheegay been ah in uu qabo saddexda gabdhood islamarkaana ay ku nool laba qol, iyadoo saacado kadib baahinta warkaas ay been noqotay sheekadii.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker