Dowladda Sudan oo diginin u jeedisay Itoobiya

Wasiirka Kheyraadka Biyaha ee Sudan Yasser Abbas ayaa sheegay in tallaabo kasta oo Ethiopia ay kaligeed u qaaddo inay ku buuxiso mashruuceeda biya xireenka koronta ee bisha Jully uu si toos halis ugu yahay ammaanka qaranka ee Sudan.

Yasser Abbas ayaa wakaaladda wararka Reuters u sheegay, in Sudan ay soo jeedinayso in door dhexdhaadin ah ay ku yeeshaan dalalka Mareykanka, ururrada midwoga Yurub iyo modwga Africa, si meesha looga saaro ismari waaga wadaxaajoodka ee la xidhiidha biya xireenka wabiga Nile, ee u dheexaya dalalka Sudan, Masar iyo Ethiopia.

Hadalka Wasiirka ayaa imaanaya iyadoo ay sii kordheyso xiisadda u dhexeysa Sudan iyo Ethiopia ee la xidhiidha muranka dhulbeereedka ku yaalla xuduudda ay wadaagaan labadaasi dal.

Ethiopia ayaa sheegtay in mashruuca biyo xidheenka uu muhiim u yahay horumarka dhaqaalahooda, iyadoo Masarna ay horay sheegtay in tallaabadaasi ay qatar weyn ku tahay 90 boqolkiiba biyahaha ay cabaan oo uga yimaadda wabiga Nile, waxayna ku baaqday in marka hore heshiis laga gaadho inta aysan Addis Ababa tallaabo u qaadin arrimkaasi.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker