Wasiirka Warfaafinta JSL oo Cisbitaalka Royal ku booqday Agaasimaha Tv-ga Qaranka.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa maanta cusbitaalka Royal ee caasimada Hargeysa ku booqday Agaasimaha Telefishanka Qaranka  Maxamed Xasan Cali Weji oo maalmihii la soo dhaafay  lagu daweynayey cisbitaalkaas.

Wasiirka Warfaafintu wuxuu Agaasimaha Telefishanka Qaranka ilaahay uga baryey inuu shaafiyo , waxaanu balanqaaday in Wasaaraddu ay dabarayso kharashka ku baxaya daweyntiisa.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker