Daawo: Falan-qaynta Ciyaaraha  Halkan Hoose ka Daawo , Ciyaar Yahan Gool dhaliyay ka dibna la Dilay

Ciyaaryahan La Dilay Oo Dhaliyay Goolkiisii Ugu Danbeeyay Isagoo Meydkiisa Uu Naxashka Ku Jiro & Asxaabtiisa Oo Ku Dul Baroortay

Xiddig da’ yar oo kubada cagta ah oo la dilay ayaa dhaliyay goolkiisii ugu danbeeyay iyadoo asxaabtiisii ay isku kooxda ahaayeen ay ku dul baroorteen Naxashkii lagu Qaaday Madkiisa .

 

Arintan ayaa ka dhacay dalka Mexico iyadoo Asxaabtii wiilkan la dilay oo lagu magacaabi jiray Alexander ayay naxashkiisa hor dhigeen goolka iyagoo kubada ku garaacay naxasha ka hor inta aysan dhalinin, ka dibna waxay ku dul baroorteen naxashkiisa.

 

Waxaa la sheegay 16 jirkan oo u ciyaarayay kooxda Oaxaca inay dileen boliiska dowlada hoose.

 

In ka badan 12 qof ayaa ku Wareegsanaa naxashka uu meydku ku jiray ka hor inta aysan naxashka ku cararin sida inuu gool rasmi ah dhaliyay oo kale.

 

Muuqaalka dhacdadan waxaa baraha bulshada ku baahiyay joornaaliistaha isboortiga ee dalka Mexico Guillermo Schutz.

 

Joornaaliistaha ayaa soo qoray: “Magaalada Oaxaca sidaan ayay ku macsalaameeyeen Alexander, 16 jirka ay dileen boliiska dowlada hoose.

 

 

“Asxaabtiisii ay isku kooxda ahaayeen ayaa ku maamuusay goolkiisii ugu danbeeyay. Dhamaanteen waan ooyneynaa”

 

Alexander waxaa la aasay maalintii Jimcaha ee 11ka bishan Juun.

Ma ahan markii ugu horeysay ee ay arintan dhacdo iyadoo dhaqankan laga yaqaano Mexico iyo wadamada ku yaala qaarada South America.

 

Falan-qaynta Ciyaaraha  Halkan Hoose ka Daawo .

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker