Trump Oo Diiday inuu Bixiyo Cadeyn Kiis Loo Haysto
Donald Trump ayaa qarka u saaran in maxkamad la soo taago iyadoo loo heysto kaalintii uu ku lahaa rabshadihii ka dhacay xarunta baarlamaanka Mareykanka ee Capitol hel ee 6-dii Janaayo.
Dhinaca kale Trump ayaa diiday amaba sheegey in aanuu wax cadeyn ah oo ku saabsan kiiskii la xidhiidhay weerarkii ay taageeriyaashiisu ay Ku qaadeen Aqalka Koongareeska Mareykanka ee Capitol.
Madaxweynihii hore waa kii ugu horeeyay taariikhda Mareykanka ee lagu soo oogo dacwad anshax xumo – ama xil ka qaadis – labo jeer aqalka hoose ee Congress-ka Mareykanka.
Waxaana xusid mudan in ay siikordhayaan marba marka kadambeysa Xidhibaanada Senad-ka Mareykanka ee ka soo jeeda Xisbiga Jamhuuriga ee uu ka tirsan yahay Trump.
Xisbiga Dimoqoraadiga ayaa si-weyn ugu ololeyneya in maxkamad la soo taago Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donal Trum, kaasi ka soo horjeedsaday Natiijadii Doorashada ee uu ku soo baxay Madaxweynaha Mareykanka Joe Bidan.




