Maxamed Tahliil Biixi “Madaxweynaha jabuuti muddo kororsi ayuu ula saftay Kenya”
Taliyaha Ciidanka dhulka xoogga dalka Soomaaliyeed, General Maxamed Tahliil Biixi oo kormeer ku tagay fariisimaha ciidanka xooga ee ay ku leeyihiin duleedka Beled-xaawo, halkaas oo toddobaadkii hore dagaal ku dhex-maray ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Jubbaland.
Generaalka ayaa eedeymo culus u jeediyay madaxweynaha dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle oo uu sheegay inuu dano siyaasadeed oo uu xukunka ku dheereysanayo ka leeyahay warbixintii ay guddigii xaqiiqo raadinta IGAD kasoo saareen xiisada ka dhex aloosan dowladda Soomaaliya iyo Kenya.




