“Waxaan U Tanaasulay Oo Si Shakhsiyana Aan U Soo Xulay Mustafe Shiine”: Deer Baaxad.

Deer Baaxad “Kaysar” oo ka mid ahaa Aqoonyahanka Dhalinyaradda reer Somaliland ah ee hanka Iyo damacuba kaga jiray ka qaybgalka Tartanka Doorashadda Golaha Wakiiladda Ee Gobolka Sanaag, ayaa shaaciyey Inuu ka hadhay ka qaybgalka Tartanka Doorashadda Golaha Wakiiladda, Isla-markaana uu u Tanaasulay sxbkii Siyaasiga Dhalinyaradda Mustafa Cabdi Ciise Guddoomiyihii Hore Ee Ururka Suxufiyiinta Somaliland Ee SOLJA iyo Badhasaabkii Gobolka Maroodi-jeex oo ay Isku beel yihiin.
Md Mustafa Shiine, ayaa dhowaan la filayaa inuu dalkiisa Hooyo kusoo guryo noqdo, Isla-markaana uu Shaaciyo ka qaybgalka Tartanka Doorashadda Golaha Wakiiladda Ee Gobolka Sanaag.
Qoraalka uu ku Shaaciyey Inuu Mustafa Shiine u Tanaasulay Mr Deer Baaxad, ayuu soo dhigay Barta uu ku leeyahay Mareegta Xidhiidhka Dadweynaha Ee Facebook oo uu kasoo xigtay Xafiiska War-qabadka ee Shabakedda Wararka Ee Qumannews.netku Leedahay Magaaladda Hargeysa. Waxaanu u dhignaa Siddan Qoraalka Deer Baaxad oo uu Yidhi “Shir aanu caawa ku yeelanay khadka telefonka ” conference call “, rag kala jooga dalalka USA, UK, GERMANY iyo dalal kale waxaan ku cadeeyay inaanan ka tanaasulay murashaxnimadaydii aan u sharaxnaa golaha wakiilada Somaliland, doorashada inagu soo fool leh.
Waxaan sidoo kale u cadeeyay tolka aanu shirkaa isgaadhsiinta yeelanay in tanaasulkaygani yimid markaan arkay in marxalad Somaliland ay ku jirto ay u baahan tahay cid xog ogaal u ah daruufta siyaasadeed ee jirta, sidaa daraadeedna waxaan u tanaasulay oo taageeradayda aan ku biirin doonaa shakhsiyana aan soo sharaxay Mustafe Cabdi Ciise “Shiine” oon u arkay inuu yahay shakhsiga maanta deegaanka aan ka soo jeedaa ku meteli kara golaha siyaasada, iyadoo ragga aan arkay ee isku sharaxaayana ay u badan yihiin asxaabtiisa, raggii uu xaga saxaafadda madaxda ugu ahaa ee weriyayaasha ahaa iyo raggii ay siyaasada kuwada jireen.
Sidaa daraadeed waxaan taageerayaashaydii iyo raggii iyo hablihii I taageeray kolkii aan shaaciyay murashxnimadayda aan ka codsanayaa inay igu taageeraan xulista aan u soo xulay Mustafe Shiine inuu u tartamo golaha wakiilada JSL”.
Mahadsanidiin.
Deer Baaxad.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker