Boqor Buurmadow Oo Mar Labaad Ku Hanjabay in ay Somaliland Burburayso Hadii La Taabto Cadirashiid Riyo Raac

Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buurmadow) oo ka mid ah Salaadiinta dhaqanka ee Somaliland, ayaa waxaa uu ka hadley muranka xoogan ee ka taagan gudida cusub ee Koomiishanka Doorashooyinka Somaliland. Buurmadoow ayaa waxaa uu uga digay xukuumada uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi in ay fara geliso muranka ka dhex taagan gudiddaasi cusub ee Doorashooyinka.

Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadoow ayaa sheegay in aanay habayaraatee marnaba deegaankoodu aqbali doonin in la kala diro gudida cusub ee Doorashooyinka Somaliland. “Waa Nidaam ama hay’ad jirta oo sharci ah, waxay ka dhigan tahay iyadoo  Faysal Cali-waraabe ama xisbiga Ucid oo la yidhaa doorashada ma geli karo ama xisbiyada ha la baabiiyo.” Ayuu yidhi Buur-madow

Boqor Buurmadoow ayaa waxaa uu sidoo kale ka digay in Xukuumada Madaxweyne Biixi ay si gaar ah u fara geliso guddoomiyaha cusub ee Koomiishan doorashooyinka Somaliland Cabdirashiid Riyo-raac. “Waa iyadoo la yidhaahdo, Saleebaan gaal iyo guurtidu meesha haka baxaan, maaha arrin shakhsi ah.” Ayuu yidhi

Sidoo kale, waxa uu Buurmadoow sheegay in Beeshoodu ay ku khasaartay doorashadii ay doorteen Madaxweyne Muuse Biixi.

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker