Gabadh Maydka Hooyadeed Ku Haysatay Gurigeeda Muddo 10 Sano ah
Booliska Japan ayaa xidhay haweeney la sheegay in meydka hooyadeed ay ku heysay firiij muddo 10 sano ah guri ay deganeyd oo ku yaalla dalkaas.
Yumi Yoshino oo 48 jir ayaa sheegtay in markii hore ay aragtay meydka isla markaana ay guriga ku qarineysay muddo 10 sano ah.
Waxay sababtana ku sheegtay in xilliggaas ‘aanay dooneyn inay ka guurto gurigii’ ay horey ula degnaani jirtay hooyadeed, sida ay ku warrantay warbaahinta gudaha oo soo xiganeyso ilo wareedyo ka tirsan booliska oo aan la magac dhabin.
Mas’uuliyiinta waxay sheegeen in aanan la ogeyn wakthiga iyo sababta ka dambeysay geerida hooyada dhashay gabadhaas.
Waxaana lagu soo warramayaa in meydka uu guriga ku arkay qof nadiifinayay halkaas.




