China oo markale hanjabaad dagaal u dirtay Taiwan
Dowlada China ayaa sheegtay in maamulka Taiwan haduu ku dhawaaqo madax-banaani rasmi ah ay la micno noqon doonto ku dhawaaqid dagaal ka dhan ah China ayna tilaabo ka qaadi doonaan militarigooda.
Taiwan oo ah ismaamul gaar ah balse China ay weli u aqoonsan tahay jasiiradaasi qeyb kamid ah dhulweynaha Shiinaha, magaca maamulka Taiwan ee rasmiga ah ayaa weli ah Republic of China, waxaana aasaasay maamulka Taiwan siyaasiyiintii ka baxsaday maamulkii shuuciga ahaa ee la wareegay dowlada China wax yar kadib dhamaadkii dagaalkii labaad ee dunnida.




