Muddo kordhin loo sameeyay howlgalka ciidamada Turkiga ee xeebaha Soomaaliya
Baarlamaanka Turkiga ayaa Talaadadii ansixiyay in muddo kordhin loo sameeyo howlgalka ciidamada Turkiga ee xeebaha Soomaaliya iyo gacanka cadmeed, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee dowladda.
Waxay taasi ka dhigan tahay in ciidanka Turkiga uu weli kasii howlgali doono halkaas tan iyo 10-ka bisha Febraayo sanadka 2022-ka si ay u sugaan amniga maraakiibta maraya xeebahaas.
Sanadkii 2008-dii ayay aheyd markii ugu horreysay ay baarlamaanka Turkiga ansixiyaan howlgalka ciidankooda ee xeebaha Soomaaliya iyo cadanka cadmeed.




