XISBIYADA QARANKA SOMALILAND MIYAANAY HAN IYO HIMILO XAMBAARSANAYN?

Nidaamka dimuqraadiga ah ee aynu ka soo koobiyaysanay wadamada reer galbeedku waxa uu u muuqdaa mid aan si dhayal ah ugu xididaysan karin  Somaliland iyo guud ahaanba gayiga ay Somalidu dagto, marka la eego hab-dhaqanka siyaasiyiinta iyo sooyaalka bulshada Somalida oo ah mid ay qabyaaladdu halbeeg u tahay.

Waxa hubaal ah, in nidaamka dimuraadiga ah  ee aynu Somaliland  hadda ka yegleelaynaa uu la daalaadhacayo dhibaatooyinka iyo duruufaha  ay qabyaaladdu beertay, ku waa soo laf-dhuungashay ku noqday hirgalinta nidaamka dimuqraadiga ah oo ku dhasan isla-xisaabtan, daah-furnaa iyo cadaalad  (check and balance).

Geesta  kalena wali ma muuqto calaamad iyo ifo-faale muujinaya in laga sii durkayo qabyaaladda iyo siyaasadda isbarkan ee gayigeena ku faaftay, taa soo u muuqata in ay maalinba maalinta ka denbaysa  sare u sii kacayso, iyada oo sidii hore ka casriyaysan.

Waxay shacabka Somaliland  ay rajo weyn  ka qabeen in nidaamka axsaabta badan uu noqon doono, midkii ay kaga bixi la-haayeen  qabyaaladda, kala qo-qobnaanta iyo saboòlnimada daashatay, islamarkaana ay ku gaadhi la-haayeen  horumar bulsho, mid dhaqaale iyo mid siyaasadeed oo wax ku ool ah.  Nasiib-darro se taasi  waxay   u muuqataa mid ay rajadeedu sii yaraanayso oo lagu hungoobay.

 Marxaladda ay xisbiyada Somaliland hadda ku sugan yihiin, maaha mid ay shacabku u guuxayaan ama ay ku niyadsan yihiin, marka la eego hab-dhaqanka siyaasiga ah ee ay bulshada la wadaagayaan.

 Marka la eego sida xisbiga talada hadda hayaa uu u surmo-seegtaynayo halka ay bulshadu ka taahayso, ama ay ka dhutinayso, sidoo kalena uu ula kacaa-kufayo masuuliyadda iyo xilka ka saaran sidii uu ummadda ugu geedi-galin lahaa guri ka barwaaqaysan kan aynu maanta ku nool yihiin.

Marka la eego sida xisbiyada mucaaradku ugu guuldaraysteen in ay bulshada u soo bandhigaan  qorsheyaal cad cad oo si cilmiyaysana loogu sargooyay xaaladaha nololeed ah ee Somaliland hadda ka jira, haddii ay yihiin kuwo dhaqaale, kuwo siyaasadeed iyo kuwo bulsho, sidoo  kalena ay awoodi-kari-waayeen in ay bulshadooda farta ugu fiiqaan jidkii ay gaadhi-lahaayeen,  hadafka iyo himilooyinka ay ku riyoonayno.

Waxyaalaha kala ee cajaa’ibka leh ee aynu maanta arkayno waxa ka mid ah, in kuraasta hogaamineed ee xisbiyadu ay noqdeen kuwo  reero u kala suntan oo aanay cid kale soo hungurayn karin kursiga uu reerku leeyahay, islamarkaana uu hankaagu ku xidhan yahay hadba sida uu jaanis uga banaan yahay booska  uu  reerkiinu xisbiga  ku leeyahay.

 Waxa  taa ka sii daran  seddexdii  xisbi qaran ee lays-lahaa waxay noqon doonaan xisbiyo sal-balaadhan oo ay iskugu yimaadaan haldoorka iyo ninkarmeedka ay bulshadu leedahay, waxay   noqdeen meel ay iska leeyihiin shaqsiyaad yar oo kooban oo aan cid-kale waxba uga ogoleyn, haddiiba ay dhacdo in cidkale ay soo hungurayso, waxa daaqadda lagaga saaraa jiqil iyo laad aan tudhaale la hayn, oo waxaynu maalin walba aragnaa nin ama koox  sida fiinta uga qaylinaya  warbaahinta.

Sideedaba ujeedooyinka iyo dulucda aynu xisbiyada u aas aasanay waxay ahaayeen  in   ay seeska u  dhigaan saaxad balaadhan oo siyaasadeed, taa soo lagu carbinayo, laguna laylyayo  hadba inta hibada iyo hal-abuurka siyaasiga ahi ka dhex-guuxayo, si ay  bulshada ugu soo baxaan, hogaamiyeyaal han iyo himilo xambaarsan oo  ka sabata-bixin kara duruufaha iyo waayaha qallafsan ee shacabkooda soo wajaha..

Xisbiyada  waxa loo aas aastay waxay ahaayeen,  in ay la yimaadaan  mabadi’ iyo aragtiyo siyaasiya  oo ay bulshada ku soo  jiitaan, ku waa soo ka turjumaya xaaladaha iyo baahiyaha dhabta ah ee ay shacabku  dareenayaan, halka ay maanta qabyaaladda iyo tolnimada dib ugu cilinayaan, markii ay tahli-waayeen in ay bulshada wax kale  ka iibiyaan.

Waxay arrimahan iyo kuwo kale oo badaniba    rajo beel ka dhigayaan hadafkii iyo ujeedii loo aas aasay axsaabta qaranka ee  ahayd  in lagaga guuro nidaamka  beelaysiga iyo reernimada ku dhisan, loona  guuro nidaam dimuqraadiya oo shuruuc iyo mabadi’i hagayso, (constitutional democratic system) kaa soo la jaanqaadi kara, nidaamyada casriga ah ee ay dunidu ku liibaantay.

Si kastaba ha ahaatee, waxa  saluugga ay bulshadu  muujinayso  udub dhexeed u ah seddexdan arrimood:- waa midda koobaad, xisbiyada qaranku malaha qorsheyaal iyo hal-beegyo siyaasiya oo ka turjumaya xaaladda dhaqan-dhaale ee ay bulshadeennu hadda ku sugan tahay, haddii ay leeyihiinna maaha kuwo ficilkooda innoo  muuqdo.

Waa midda labaade, xisbiyada dhexdooda kama jirto dimuqraadiyad iyo fur-furnaan siyaasadeed oo u gogol-xaadhi karta in ay dadka hanka lihi  jaanis u helaan, sidii ay ugu loolami lahaayeen garoomada siyaasadeed ee ay xisbiyadu gadh-wadeenka ka yihiin.

Waa midda seddexaade, xisbiyada laftooda ayaa u baahan in lagu sameeyo isbadalo siyaasadeed oo dhumuc meyn, ku waa soo taabanaya madaxda sare sare ee xisbiyada iyo inta u cumaamad in ay majaraha u qabtaan hogaaminta dalka, maxaayeelay   xisbi walba waxa hor fadhiya shaqsi ama koox ay bulshada isku indho bateen, islamarkaana  aanay ka sugaynin in wixii ay shalay soo qabteen, barri wax ka duwan ay la iman doonaan.

Ugu denbaleyn waxaan xisbiyada kula talin lahaa in ay la yimaadaan aragti siyaasiya oo ka jawaabaysa xaaladda nololeed ee bulshadeennu hadda ku sugan tahay, sidoo kalena ay ka waantoobaan in ay qabyaalad cod ku raadsadaan.

 

By Cumar Axmed Cali; cumaraxmed331@gmail.com/tel: 0634244802.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker