Somaliland: Waxaa La Xusay 26kii June, 1960

Waxaa habeen hore, madaxtooyadda Somaliland ee ku taala magaaladda Hargeysa lagu xusay sannadguuradii 59aad ee maalintii Jamhuuriyadda Somaliland xorriyadii ka qaadatay Boqortooyadda Ingiriiska.

Xuskaa waxaa khudbaddo qiimo leh ka jeediyey Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo asxaabta siyaasadeed ee xisbiyadda, iyo golayaasha qaranka.

26kii, 1960, waxaa xorriyadii qaadatay Jamhuuriyadda Somaliland, “gobollada waqooyiga” ee dad qaarkood isku maaweeliyaan, ma jirin.

In ka badan 30 waddan iyo Qaramadda Midoobay ayaa aqoonsaday Jamhuuriyadda Somaliland, oo lahayd Ra’iisal Wasaare, maamul dawlad, Ciidammo iyo Garsoorba.

Taariikhda lama khaldi karo, oo way qorantahay, oo markhaati baa loo yahay.

Waxaa kaloo shalay la sheegay, in uu nin Xamar lagu ilaaliyo, ubax dhigay taaladii Dhagaxtuur oo labo talaabo u jirta villa Somalia. Ileen, meel durugsan lama gaadhi karee.

Haddii dadka walaaleheen Soomaalida ah, ee ku nool wadamadda aynu deriska nahay, sida Jaboouti, Itoobiya, Soomaaliya iyo Kiiniya, hambalyo uu soo diriyaan Somaliland, waxaannu uga guddoonay qalbi furan iyo kalcagayl, waanu u mahad celinanaa.

Waa Bilaahi Towfiiq.

Cali Maxamed Abokor

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker