Dawladda Kenya Oo War kasoo saartay  Dagaalkii Degmadda Beled-xaawo

Dowladda Kenya ayaa ka hadashay dagaalka magaalada Beled-Xaawo, oo dowladda Soomaaliya ay ku eedeysay inay soo qaadeen “jabhad ay soo hubeysay” Kenya.

Wasaaradda arrimaha dibedda Kenya ayaa qoraal ay u dirtay guddoomiyaha Midowga Afrika ku sheegtay inay aad uga walaacsan tahay dagaalka kasoo cusboonaaday xuduudda, gaar ahaan magaalada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo.

Kenya waxay sheegtay in “dagaalka uu u muuqdo inuu u dhaxeeyo ciidamada dowladda fedeeraalka Soomaalia iyo kuwa maamulka Jubaland.”
Kenya ayaa intaas ku dartay in walaaceeda ugu weyn uu yahay in dagaalka uu dhaliyo barakaca dadka shacabka, uuna horseedo qaxooti badan oo magan-galyo doon ah oo soo gala Kenya.

Kenya, oo aan si toos ah qoraalkan uga jawaabin eedeynta dowladda Soomaaliya ee ah inay “soo hubeysay jabhad fallaago ah” ayaa ku baaqday in dagaalka deg deg loo joojiyo.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker