Dagaalkii Beled-xaawo Oo Sababay Geeridda Siddeed Caruura.

Dagaalkii Magaaladda Beled-xaawo ku dhexmaray Ciidamadda Dawladda Faderaalka Somaaliya Iyo Kuwa Maamulka Jubbaland, ayaa Sababay Geeridda siddeed caruur ah, kuwaasoo ay shan ka mid ahi yihiin walaal, Saddexda kalena ay isku Qoys kasoo wadda jeedaan.

Caruurtan yar yar ee ku dhimatay Beled-xaawo, ayaa guryahoodda waxa ugu tagay Hoobiyeyaal. Waxaana shanta walaalaha ah dhaawacantay hooyaddood.
Khasaaraha ka dhashay dagaalkan ayaa isa soi taraya, Waxaana jira dhimasho Iyo Dhaawac badan oo ka kala tirsan labaddii dhinac ee dagaalamay.

Dhanka kale Xukuumadda Faderaalka Somaaliya, ayaa Sheegtay inay soo gabagabaysay dagaalkii Beled-xaawo lagu soo qaaday, Waxaanay soo bandhigtay 250 maxbuus oo ay ku qabatay dagaalka. Sidoo kale ay xustay Dawladda Somaaliya soona bandhigtay hub faro badan, kana kooban noocyadda hubka.
Xukuumadda Faderaalka Somaaliya, ayaa Dawladda Kenya ku eedaysay inay soo Abaabushay jabhad uu horkacayo Wasiirka Arrimaha Guddaha Maamulka Jubbaland Cabdirashiid Janan.

Wararka ugu Dambeeyey ayaa Sheegaya in Xaaladda Magaaladda Beled-xaawo ee ku taala Xudduudka Dalalka Somaaliya Iyo Kenya ay nabdoon tahay xiligan, kadib dagaaladdii ka dhacay Saaka Iyo xalay. Waxaana Sidda ay sheegayaan Wararka Qumannews.net ka soo gaadhaya Beled-xaawo gacanta ku haya Magaaladda Ciidamadda Dawladda Faderaalka Somaaliya ee markii hore ba sugayey amaankeedda.

Xukuumadda uu hogaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdilaahi Farmaajo Iyo Maamulka Jubbaland ee uu Madaxweyaha ka yahay Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe), ayaa si weyn Isugu khilaafsan maamulista Gobolka Geddo oo ay hadda ka taliso Xukuumadda dhexe ee Faderaalku. Halka ay ka Maamul-gobol ahaana uu ka tirsan yahay Geddo Maamulka Jubbaland. Waana Sababta dhabta ah Keentay dagaalka Beled-xaawo ka dhacay. Iyadoo Dawladda Somaaliya ay ku eedaynayso Jubbaland inay Dalka u soo horkacayso Ciidamo shisheeye oo ah Kuwa Dalka Kenya oo khilaaf weyni u dhexeeyo Dawladda Faderaalka Somaaliya.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker