“Ciidanka Xoogga Soomaaliya oo soo afjaray duulaan lagu soo qaaday Beladxaawo ” Wasiir Dubbe

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cismaan Abuukar Dubbe oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta Wasaaradda ayaa shaaciyay in ciidanka xoogga dalka ay soo afjaareen duulaan ay xalay saqdhexe Beladxaawo ku soo qaadeen ciidamado ka tirsan dowladda Kenya oo garab siinaya falaago hubeysan, kuwaasi oo doonayay inay magaalada qabsadaan.

Wasiir Dubbe ayaa xusay in jab xooggan loo geystay, isla markaana gacanta lagu dhigay ku dhawaad 100 ka tirsan falaagada la soo qalday ee duulaanka ku soo qaaday Beladxaawo, isagoo intaa ku daray in si buuxda ay imuinka gacanta dowladda ugu jirto goobihii xalay la soo weeraray.

Halkan hoose ka daawo warkaaas oo dhan.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker