Arday Badan Oo Qarka U Saaran in Laga Caydhiyo Jaamacadaha Hargeysa

Abwaan Siciid Maxamuud Gahar oo ka mid ah dhallinyarada u dhaqdhaqaaqa Arrimaha Bulshada iyo Xuquuqal Insaanka ayaa sheegay walaac ka taagan xaaladda Arday qarka u saaran in laga caydhiyo Jaamacadda Hargeysa.

Siciid Maxamuud Gahayr ayaa qoraal uu ku baahiyay boggiisa Facebook waxa uu ku faahfaahiyay qaylo-dhaan la xidhiidha arday uu sheegay in ay qarka u saaran yihiin in laga caydhiyo jaamacadihii ay dhiganayeen kadib markii lagu amray in ay lacagaha fee-ga iska bixiyaan balse ahaa kuwo deeq waxbarasho hore ugu jiray Jaamacadahaasi gaar ahaan Jaamacadda Hargeysa.

Abwaanka oo arrintaa faahfaahin ka bixinayaa waxa uu yidhi: “Muuqaalka qaybtiisa kowaad: Waa Wasaaradda Waxbarashada oo shaacisay in jaamacadaha dawliga ahi ay bixin doonaan 12% ah deeq waxbarasho Sebtember 2020, kuwa gaarka ahina ay 6% bixin doonaan, waxaanay ardayda u soo jeedisay inay codsigooda u soo gudbiyaan.

Muuqaalka 2aad ee ku dhegsan ka kowaad: Waa Wasaaradda Waxbarashada oo sheegtay in 127 arday heleen deeqdii waxbarasho ee jaamacadda Hargeysa Nofember 2020. Waxa kale oo ay shaacisay jaamacadaha kale inta ay ardaydu ka heleen.

Sidii ayay waxbarashada jaamacadaha ku bilaabeen ardaydu. Laakiin Jaamacadda Hargeysa ayaa Jeneweri 2021 ku tidhi ardaydii “keena lacagtii, annaga ayaa iskayo arday bannaanka uga qaadannay”. Ardaydi waxay ku noqdeen Wasiirka Waxbarashada, waxaanu warqad soo qoray 13kii Jenewrei 2021ka, waa ta la socota labada muuqaal, laakiin jaamacadda Hargeysa ayaa diidday. Wasaaraddu way bixin kari weyday lacagta ardayda, taas beddelkeedana dhimse $60,000 ah ayay Jaamacadda ballanqaadday. Ilaa hadda waa lala meeraysanayaa ardaydii.

Ardaydan oo ka kala yimi gobollada Somaliland waxa laga horjoogsan doonaa imtixaanka la gelayo Feberweri 2021ka, waxaana laga rabaa lacag, iyaga oo lagu qaatay deeq waxbarasho ahaan.

Qaarkood ayaa goaansaday inay iskaga hulleelaan, kuwo kalena talo ayaa ku caddaatay. Waxa loo sheegay in deeqda waxbarasho la siin doono sannadka dambe, kanna ay lacagta iska bixiyaan.

Annaga oo kala ah Aftax Siciid Jaambiir, Mawliid Muuse Dacar iyo Siciid Maxamuud Gahayr, waxa aanu maanta (Shalay) booqasho ku tagnay Jaamacadda Hargeysa si aanu ula kulanno 127 oo ay Wasaaradda waxbarashada iyo sayniska Somaliland siisay deeq waxbarasho Nofember 2020kii, balse hadda laga rabo inay bixiyaan lacagta waxdhigashada iyo ganaax ah inay la daaheen lacagta.

Xeeladdan ayaa iila ogaatay wixii la odhan jiray “been ku soo xerogeli, runna ku dhaq”. Ardaydu ma mudna in la isku tuurtuuro. Gobollada kala geddisan ee Somaliland ayay ka yimaaddeen. Waxyaabo badan oo ku saabsan arrintan waxa lagu faahfaahin doonaa madal kale haddii Alle idmo..

Xal qaran ayay hawshani u baahan tahay” ayuu qoraalkiisa ku oo koobay Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker