Nigeria: Macalin Iskuul Oo Karbaash Ku Dilay ilm Yar

Macaln iskuul, ayaa lagu xidhey dalka Nigeria, kadib markii lagu eedeeyey inuu karbaashey ardey 19 bilood jir ah, sida ay booliisku sheegeen.

Macallinka ayaa wax ka dhiga dugsi xannaano, iyo hoose iyo dhexeba, oo ku yaalla magaalada Asaba ee gobolka Delta.

Macalinka ayaa lagu eedeeyey in uu dhowr calaamadood u yeelay jirka ilmaha socod baradka ah, kadib markii uu karbaashay Isniintii lasoo dhaafey.

Eedeysanaha oo loo maleynayo inuu dhalay milkiilaha Iskuulka gaarka loo leeyahay, ayaa la sheegay inuu garaacay ilmaha yar ee ardeyga ah, kadib markii uu ku qabtay isagoo ku cayaarayo biyo. Ma aanuu  kahadlin qadiyaddan mulkiilaha iskuulka.

Ardeyga ayaa la sheegay inuu xanuunsadey, kadib markii uu falkaasi dhacey, waxaana loo qaadey xarunta caafimaadka federaalka ee magaalada Asaba, halkaasi oo uu ugu danbeyntii ku geeriyooday.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker