Qarax Culus Oo Mas’uuliyiin lagula beegsaday Ka Dhacay Muqdisho

Afar askari oo ilaalada u ahayd nabadoon caan ah ayaa ku geeriyootay qarax maanta oo Sabti ah ka dhacay magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa miino kuwa dhulka lagu aaso ah ayaa ka dhacay wadada Beexaani oo kala qeybisa degmooyinka Karaan iyo Shibin, waxaana lala eegtay gaari uu saarnaa Muxiyadiin Xasan Afrax oo ah kamid ah nabadoonada Soomaaliyeed.

Nabadoon Muxiyadiin Xasan Afrax ayaa wararka qaar sheegayaan in uu ku dhaawacmay weerarkaas oo ay ku dhinteen qaar kamid ah ilaaladiisa.

Maalmihii ugu dambeeyay waxaa magaalada Muqdisho ku oo badanayay qaraxyo iyo dilal lala beegsanayay mas’uuliyiinta iyo dadka kale ee rayidka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker