Haddii Ay Maayarnimadda Waayaan Ma Is-casili Doonaan Cidin Iyo SOLTELCO ?

Maayaradii hore ee Magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera ayaa hadda wadda dedaalo ay ku doonayaan inay mar kale ku hantiyaan jagada Maayarnimo,wallow ay haystaan xubno tiro yar oo taabacsan,isla markaana ay adagtay sidii ay mar kale ay maayarnimo ku hanan lahayeen, haddana may quusan ee waxay weli waddaan isku dayo kale duwan.

Maayarkii hore ee Magaalada Berbera Cabdishakuur Maxamud Cidin ayaa isku deyaaya inuu curiyo fursadii mar kale loogu dooran lahaa Maayarnimada Magaalada Berbera,balse waxa muuqata inay adagtahay hadda,mar haddii aanu haysan xubno aqlabiyada,iyadoo ay Xildhibaanada aqlabiyadda Xisbiyadda Mucaaradka iyo kuwa Xisbiga KULMIYE ay taageero u muujiyeen ninka sida weyn loo haddal hayo ee kulla loollamaya Maayarnimada Magaalada Berbera ee lagu magacaabo Xildhibaan Maxamed Ibraahim Ismaaciil (Dable ),kaas oo ay isbahaysiga Mucaaradku u xusheen inuu noqdo Maayarka Magaalada Berbera,isla markaana teegeero weyn ka helayaa shacabka reer Berbera iyo siyaasiyiinta degaankaas,kuwaas oo u baahan is baddel ka dhaca degmadaas.

Duqii hore ee Magaalad Berbera Cabdishakuur Maxamud Cidin ayaa mar uu la hadlayey warbaahinta sheegay inuu liidnimo u yaqaan waxa ka hooseeye kursiga Maayarka,isla markaana aanu Xildhibaan sii ahaan doonnin haddii lagaga guulaysto kursiga Maayarnimada “Waxaan u arkaa inay tahay liidnimo iyo diciifnimo, wax Maayirnimo ka hooseya oo halkan uma aan iman in aan Xildhibaan noqdo.”ayuu yidhi.

Geesta kalene Duqii hore ee Magaalada Hargeysa Cabdiraxman Maxamuud Caydiid (Soltelco) ayaa isna u ordaya inuu mar kale noqdo Maayarka Magaalada Hargeysa,wallow aanu haysan xubno aqlabiyad ah oo doorta isna haddana waxa uu wadda dedaalo kale duwan oo uu ku doonnayo inuu ku noqdo Maayarka Hargeysa,balse uma muuqato inuu ku guulaysan karro marka la waajaho xaqiiqda, maddaama oo uu aqlabiyada haysto Xildhibaanka codka aqlabiyadda lagu soo doortay ee Cabdikariin Axmed Mooge,kaas oo loo baddinayo inuu noqan doonno Maayarka cusub ee Magaalada Hargeysa.

Si kastaba ha-ahaatee waxa la is weydiinayaa tallaabada ay qaadi doonnaan Maayaradii hore ee Magaalooyinka Berbera iyo Hargeysa haddii lagaga guulaysto tartanka Maayarnimada Magaalooyinkaas,waxaynu eegnaa waa inay is casileen iyo in ay sii ahaadaan Xildhibaano.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker