Shanta Wasaaradood Ee Muhiimka Ah Waa Ayyo Agaasimayaashooda Guud Sidee Buuse Muuse Biixi U Yidhaa Ma Oggi In Ay Beeshayda Kasoo Jeedaan

Inkastoo,maalin Walba lahadalhayo Cadaalada Darrada uu Golaha Xukuumadiisa Kusoo Dhisey Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi saamiga uu Siiyey Beelaha Darifyadda,iyo beelo kamid ah Beesha dhexe iyo Waliba sida uu Beeshiisa ugu gaar yeeley,xilal tira baddan oo ka dhex muuqda Golaha Xukuumadiisa.

Haddaba Waxaa maalmihii u dambeeyay ee Bisha Barakeysan ee Ramadaan lagu guda jirey, aad loo hadalhayey, Wasaaradaha Muhiimka ah iyo sida uu Muuse Biixi ugu taxey Agaasimayaashooda Guud beeshiisa taas,oo aan hore uga soo dhicin Xukuumadihii soo marey talada dalka iyadoo,dadka intiisa baddani had iyo jeer ku halqabsadaan in laga filayey boqolkiiba boqol in uu ka duwanaan doono Xukuumadii ka horeysay ee Kulmiye ee Xaaji Siilaanyo haseyeeshee, ay taasi noqotey mid halkii laga taagnaa kasii fog kadib markii uu dhameys tirey buuxinta jagooyinka digreetadda ah ee Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Muhiimka ah ama halbawlaha u ah Wasaaradaha Qaranka ugu shilis.

Arimaha ugu Waaweyn ee Bulshadu had iyo jeer hadalheyso islamarkaana, guud ahaanba Aqoonyahanku ku Qiimeeyaan  wakhti xaadirkan Muuse iyo halka ay guntiis a Aqooneed iyo garashadiisu gaadhsiisan tahey taas,oo hadh iyo habeen noqotey halku dheg goob kasta oo la isugu yimaado lagu hadalhayo  Saamiga uu Beeshiisa ka siiyay Golaha Xukuumadda uu soo dhisey ha ugu dambeyso hadalheynta mudooyinkii u dambeeyay, sida weyn loo hadalhayo maalin iyo habeen ee Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha ubucda oo kala ah (1)-Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda (2)-Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka (3)- Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta (4)-Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha (5)- iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Madaxtooyadda taas oo aaney dadka intiisa baddani xog-ogaal u aheyn haseyeeshee, ka meeqaam sareysa Agaasinimada Guud oo ah Wasiir dhameys tiran dhinac kasta Miisaaniyad iyo Maamulba waana sababta guud ahaanba Beesha Madaxweynuhu ay hadh iyo habeen Maxamed Cali Bille ugu yeedho Sacaadatul-Wasiir, kuna dar Wasaaraddii Duulista Hawadda ee iyaddana la jiifiyey oo ah Wasiir dhameys tiran.

Gababagabadii,tabashada beelaha Somaliland, oo ah mid Maalin Walba taagan islamarkaana, saacad kasta la Weydiiyo Madaxweynaha Muuse Biixi waxa ay garawsadeen Beelihii wax ka tabanayey Saamiga Xukuumadiisu in uu Sitoos ah oo badheedhe ah isaga indho tirayo sadbursiimada uu Beeshiisa Siiyay,isagoo kaga jawaab celiya mar kasta oo beelaha tabashada weyn qabaa oo beelaha darifyadu kamid yihiin,arintaa wax ka weydiiyaan in aanu ogeyn dhinacyada ay kasoo jeedaan iyo kuwa uu Digreetadiisa ku magacaabey ee Beeshiisa ah ee aynu kor kusoo xusney,ta labaad ee soo racdaana tahey oo kaliya Beesha Bariga Burco, waana arinta keentay in ay dadka qaar rumeysan yihiin in uu isku shaandheyn ku sameynayo Golaha Xukuumadiisa laakiin anigu taa ma qabo majirto dad Miisaan leh oo uu ka Qeyb galinayo Golihiisa, mana jiro Xilal uu ka badelayo Cadaalad Darrada uu sameeyay midna.

Najiib Ismaaciil Maxamed

Gabiley Somaliland

Tell:0634466339

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker