Madaxweyne Farmaajo Oo Laba Todobaad U Hadhsan Tahay Muddo Xileedkiisa , Iyo

Ku dhawaad laba Todobaad oo  keliya, ayaa ka hadhsan muddo xilkeedka Madaxweynaha muddo xilkeedkiisu sii dhammaanayo ee Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, iyada oo aanay weli jirin saan-saan doorasho loo dhan yahay oo wakhti la isu raacsan yahay loo cayimay.

Waxa sii kordhaya cadaadiska saaran Madaxweyne Farmaajo, madaama oo si weyn looga biyo diidsan yahay guddi doorasho oo ay xukuumaddiisu magacowday, kuwaas oo Mucaaradka iyo Maamul Goboleedyadu ka soo horjeesteen.

Dadka Siyaasadda falan-qeeya, ayaa sheegaya in maalin kasta oo loo sii dhawaado dhammaadka muddo xilkeedka Farmaajo in ay jirto cabsi laga qabto in qalalaase Siyaasaddeed oo amniga iyo kala dambaynta waxyeelo ku keena oo ka dhasha bannaanaan dhinaca Xilka madaxweynimo ah, madaama oo 17 maalmood ay ka hadhsan tahay muddo xilkiisa.

Dhinaca kale, waxa socda deddaalo lagu doonayo in xal loogu helo is-marin-waagga ka taagan doorashada Somalia.

Wakiilada beesha caalamka ayaa maalmihii ugu danbeeyayba kulamo gaar gaar ah oo dhinaca Internet ah waxaa ay la lahaayeen qaar ka mid ah madaxweynayaasha dswlad gobolleedyada oo ay ka wada hadleen arrimaha doorashada iyo waliba sidii xal kama danbeys ah looga gaari lahaa khilaafka jira.

Gaar ahaan xubnaha beesha caalamka ayaa arintan doorashada kala hadlay madaxweynayaasha dowlad gobolleedyada Puntland iyo Jubbaland oo iyagu ka biyo-diidan hannaanka ay dowladda federaalka u maamuleyso doorashada.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker