Abdiqaasim Salaad Xassan oo fariin muhiim ah u diray Madaxda Dowladda iyo kuwa Maamul Goboleedyada

Muqdisho (OWN) – Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG aheyd ee Mudane Cabdiqaasim Salaad Xasan ayaa markii ugu horreysay ka hadlay xaaladda dalka iyo is mari-waaga u dhexeeya madaxda dowladda iyo kuwa maamul goboleeyada dalka.

 

 

Cabdiqaasim ayaa kula taliyey madaxda dowladda dhexe iyo kuwa kale ee dowlad goboleedyada, gaar ahaan Puntland iyo Jubbaland in xalka laga abaaro dhanka wanaaga, wada shaqeynta iyo isu tanaasulka, si loog gaaro horumarka la hiigsanayo.

 

 

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in haatan loo baahan in laga gudbo nidaamka 4.5, islamarkaana dalka loo jiheeyo doorasho dadweyne, si ay shacabku wax u doortaan.

“4.5, awood qaybsiga beelaha waxa ay ahayd arrin muddo kooban loo baahnaa in ay ahaato oo qabiil iyo waxaas ku dhismin, haatan waxaa loo baahan yahay in loo gudbo doorasho dadweyne si shacabka ay u doortaan qofka ay doonayaan ayuu yiri C/qaasim.

Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay la shaqeeyaan dowladdooda, islamarkaana ay ku kalsoonaan, si looga gudbo marxalada lagu jiro.

 

 

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo haatan Muqdisho ay shir wada-tashi ah ku leeyihiin Madaxweynaha Somalia, iyo hoggaamiyeyaasha  ubbaland iyo Puntland, kaas oo weli furmi la’a, sababo ku aadan is mari-waa u dhexeeya dhinacyadaasi.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker