Soomaaliya Iyo Somaliland Oo Martigaliyay Qaxootiga Faraha Badan

Hayโ€™adda Qaramada Midoobey u qaabilsan Qaxootiga ayaa sheegtay in Soomaaliya iyo Somalilandย  ay ka mid ahaayeenย  dalalka Afrika ee dhawrkii sanadood ee lasoo dhaafay martigaliyay Qaxootiga faraha badan.

War kasoo baxay hayโ€™adda ayaa lagu sheegay in Qaxootigaasi ay kala socdeen Afrika iyo Aasiya ayna dalalka ay ka yimaadeen ka jireen dhibaatooyin dhanka Amniga.

In ka badan 24,000 qof oo ajnabi ah ayaa sanadkii 2020 Soomaaliya iyo Somalilandย  nabad galyo u raadsaday sida ay sheegtay heyada UNHCR .

Dadkaas waxay badankood ka yimaadeen wadamada Ethiopia, Syria Iyo Yemen sida lagu sheegay warbixinta kasoo baxday heyโ€™adaan.

Gobalada waqooyi galbeed, Bari iyo gobalka Banaadir ayaa ah meelaha ugu badan oo ay qaxootiga joogaan

Warbixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in lixdii sano ee la soo dhaafay ay dib ugu laabteen Soomaaliya iyo Somalilandย  ย in ku dhow boqol kun oo qaxooti ah kuwaasi oo hore ugaga cararay dagaalada sokeeye .

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker