Denmark: Lamaane Soomaali ah Oo Lagu Xukumay Xabsi Iyo Musaafurin & Sababta?

Hooyo iyo Aabe Soomaali ah oo ku nool Denmark ayaa lagu xukumay xabsi hal sano ah iyo Musaafurin ka dib markii lagu helay in caruurtooda ay si qasab ah Soomaaliya ugu direen.

Maxkamad ku taal magaalada Lyngby, ayaa lasoo taagay lamaane Soomaali ah oo 54 jir iyo 55 jir ah waxaana loo heystaa inay labo ka mid ah carruurtooda u direen goob waxbarasho oo ku taala Soomaaliya halkaasoo Quraanka ku soo baranayeen.

Qoyskan oo caawin ka helaya wiilkooda oo dhinac ah iyo gabadha oo kasoo horjeeda ayay dacwada dhexmartay iyadoo cadeymaha lasoo bandhigay ay keentay in Waalidka lagu rido xukunkan.

Marka ay dhameystaan xabsiga halka sano ah, waxaa loo masaafurin doonaa Soomaaliya, sida uu sheegayo xukunka Maxkamada.

Kiiskan ayaa quseeya labada caruur ee lammaanaha u direen Somalia, gabar iyo wiil da’dooda lagu sheegay 15 iyo 17 sano jir safarkooda ayaana dhacay 12-kii July 2018 waxaana laga dejiyey Muqdisho.
toddobaad ka dib, gabadha saaxiibadeed oo Danmark ku nool ayay xidhiidh la sameysay iyadoo u sharaxday dhibka ku heysta Somalia, taasoo sababtay iney wargeliyaan Booliska, lana soo xidho labada Waalid ee dhalay caruurta dhaqan toosinta loo geeyey dalkooda hooyo.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker