Dawladda Mauritius oo Somaliland ka dhex Eedaysay Shirkii Iskaashiga Africa iyo Japan ee ka dhacay Magaalada Yokahama

Hargeysa (OWN) – Somaliland ayaa eedeyn iyo cambaareyn culus la kulantay kadib shirkii Iskaashiga Africa iyo Japan dhowaan ka dhacay magaalada Yokahama ee Dalkaasi.

Dowladda Mauritius oo qeyb ka aheyd shirkaasi ayaa maamulka Somaliland ku eedeysay inuu ku xadgudbay heshiiskii maxaabiista Burcadbadeedda Soomaalida.

Ra’iisul wasaaraha dalkaasi, Pravind Jugnauth oo si gaar ah ula kulmay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa cambaareeyey go’aanka ay Somaliland ku siideysay maxaabiistaasi oo ku xirnaa xabsi ku yaalla gudaha magaalada Hargeysa ee Xarunta Dalkaasi.

Maxaabiista oo gaadhayey illaa 19 ayaa Somaaliland waxa ay sii deysay bishii July, kadib markii uu cafis u fidiyey Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Valueimpression Placeholder
Horay waxaa tallaabadaasi u cambaareysay Seychelles oo iyadu soo xukuntay maxaabiistani,Waxaana markii dambe laysla gartay in ay xabsiga ku dhameystaan Hargeysa.

Seychelles ayaa sidoo kale Somaliland ku eedeysay inay jabisay heshiis dhexmaray dalalka dhaca Badweynta Hindiya, kaas oo ku aaddan habka loo wajahayo Burcadbadeedda.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker