Wasiir Saleebaan Koore Iyo Wefti Uu Hogaaminaayo Oo Gaadhey Degaanka Carooley Ee Gobolka Xaysimo

Wefti balaadhan oo uu hogaaminaayo Wasiirka wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland Md Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo maalmihii ugu dambeyey safar shaqo ku joogay gobolka Xaysimo ayaa gaadhey degaanka Carooley oo ka tirsan gobolka Xaysimo.

Degmada Carooley oo ay ka socoto diwaangelinta codbixiyeyaasha ee doorashooyinka Somaliland ayuu wasiirku kormeer kusoo maray goobaha ay diwaangelintu ka socoto, isaga oo ugu baaqay shacabka degaankaas in ay waqtiga ka faa’iidaystaan oo is diwaangeliyaan.

Waxa uu Wasiir Saleebaan Yuusuf Cali Koore sheegay in ay degaankaas ka jirto abaar xun,taas oo sababtay in dadkii degaanka ee xoolo dhaqatada ahaa ay isu iman kari waayaan, isla markaana ay goobahaas ka hayaameen.

Wasiirka ayaa sheegay in diwaangelintu degaankaas uga socoto si xoogan, iyada oo ay dadku aad isu diwaangelinayaan, iyaga oo muujinaaya rabitaankooda,isaga oo si gaar ah ugu mahadnaqay ciidamada Qaranka Somaliland ee gobolka Xaysimo oo qayb weyn ka qaatay ilaalinta nabadgelyadda degaanadda ay ka socoto is diwaangelintu.

Dhinaca kalena Guddoomiyaha gobolka Xaysimo ayaa uga mahadnaqay dadweynaha reer Xaysimo sida balaadhan ee ay isu diwaangeliyeen, isaga oo kula dardaarmay dadka gobolkaas in ay ka faa’iidaystaan waqtiga u hadhay.Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda Ka hortaga Aafooyinka iyo Kaydka Raashinka Qaranka Somaliland oo isna ka hadlay degaanka Caroley ee gobolka Xaysimo ayaa sheegay in aanu waqtigu ku filayn dadka degaankaasi, isla markaana loo baahan yahay in waqti loogu daro.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker