Taliyeyaal Ka Tirsanaa Ciidanka TPLF Oo Dowladda Itoobiya isku dhiibay

Wasaaradda difaaca Itoobiya ayaa sheegtay in ay isdhiibeen labadii taliye ee hogaaminayay dagaalka kooxda TPLF .

Maj. Gen Mohamed Esha iyo Brig.Gen Mulugeta Berhe oo sida dowlada Itoobiya sheegtay door weyn kulahaa weerarkii TPLF ay ku qaaday taliska waqooyi ee ciidanka Itoobiya 4-tii November ayaa hada gacanta dowladda ku jira.

Saraakiisha ayaa horay ugu tirsanaan jiray ciidanka federaalka Itoobiya oo ay howlgab ka noqdeen.

Maj. Gen Mohammed Tesema oo ka tirsan ciidanka Itoobiya ayaa sheegay in saraakiishaan ay sidoo kale ahaayeen xubnno muhiim ah oo ka tirsan dadka ay talada ka go’do ee TPLF hogaamiya.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker