Xilka Gudoomiyaha Urur Gobleedka Igaad oo Muran ka Taagan yahay

Jabuuti (OWN) – Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed oo hadda ku sugan Jabuuti ayaa  halkaas ka wada xalinta khilaaf soo kala dhex galay qaar ka mid ah wadamada ku bahoobay Urur goboleedka IGAD, kaas oo ka dhashay cida qabaneysa Madaxtinimada Urur goboleedka IGAD, kaddib shirkii uu dhowaan ka dhacay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya oo fadhi u ah Ururka.

 

Kulan Abiy iyo madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ku dhex maray dalka Jabuuti ayaa looga wada hadlay khilaafka ka taagan madaxtinimada IGAD kaasoo taagnaa muddooyinkii ugu dambeeyey.

 

Waxaa kulankii ugu dambeeyey ee dhex maray Dowladaha IGAD la isla afgartay in Dowladda Kenya ay hoggaanka u qabato IGAD, isla markaasna xilka lagu wareejiyo Madaxweyne Kenyatta.

 

Haddii Uhuru uu noqday hoggaamiyaha IGAD, waxaa meesha ka bixi doono xilka ay hadda Kenya ka heyso IGAD ee ah Xoghayaha Guud ee IGAD ee uu haayo Maxbuub Macalin oo ah Soomaali Kenyan ah.

 

Xilka xoghayaha IGAD ayaa waxaa lagu wareejin doonaa nin u dhashay dalka Itoobiya maadaama ay Itoobiya Waayayso  xilka Guddoomiyanimo.

Soomaaliya ayaa horey u dalbatay inay hesho xilka xoghayaha IGAD, sidoo kalana dowladda Jabuuti ayaa ku qanacsaneyn inay Itoobiya iyo Kenya isku wareejiyaan xilka guddoomiyaha IGAD.

Waxaa socdo loolan adag oo ka dhex bilowday qaar ka tirsan Dowladaha ku midoobay IGAD, Jabuuti iyo Soomaaliya ayaa isku dhinac ah halka Itoobiya iyo Kenya ay isla safan yihiin, waxaana la isku heystaa Dowladaha kala qaadan doono Guddoomiyaha iyo Xoghayaha IGAD.

Sidoo kale, Kenya iyo Itoobiya ayaa doonaya in xilka doorasho lagu helo, halka Soomaaliya iyo Kenya ay doonayaan inuu noqdo wareegto. Soomaaliya ayaan weligeed taariikhda qaban xilka guddoomiyaha IGAD ama xoghayaha guud.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker