Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Oo War Kasoo Saaray Guddoomiye Lagu Dilay Muqdisho

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa war kasoo saaray dilkii xalay Muqdisho loogu geystay AUN guddoomiyihii degmada Hodan, Marxuum Cabdixakiin Cabdiraxmaan Ciise (Dhagajuun).

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa ugu horreyn tacsi u diray qoyskii iyo asxaabtii uu ka baxay Marxuumka.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in guddoomiyaha uu ku dhintay fal uu nasiib darro ku tilmaamay.

“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u darayaa qoyskii iyo asxaabtii Marxuum Cabdixakiin Dhagajuun guddoomiyihii degmada Hodan oo ku geeriyooday fal nasiib darro ah oo xalay ka dhacay Muqdisho. Waxaa Eebbe uga baryayaa in uu naxariistii Janno ka waraabiyo ehelka iyo asxaabtana Samir iyo iimaan ka siiyo,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha.

Ugu dambeyn ra’iisul wasaare Rooble ayaa faray laamaha amniga inay baadhis dhab ah ku sameeyaan dilka guddoomiyihii maamulka degmada Hodan.

“Waxaan farayaa hay’adaha ammaanka ee ku shaqada leh in ay baadhitaan rasmi ah oo dhammeys tiran ku sameeyaan dhacdadadaas nasiib darrada ah,” ayuu sii raaciyey.

AUN Cabdixakiin Dhagajuun oo xalay saq-dhexe lagu toogtay agagaarka isgyska Howlwadaaga yaa shalay uun dib ugu soo laabtay dalka, isagoo ka yimid dalka Turkiga oo caafimaad ahaan loogu qaaday kadib dhaawac ka soo qaara qarax miino oo lala eegtay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker