Maxkamadda Somaliland Oo Wax Ka Bedel Ku Sameysay Qiimaha Magta, Qoomaha Iyo Meherka Dumarka

Maxkamadda Sare ee Somaliland waxay soo saartay wareegto ujeedadeedu ku saabsan tahay wax ka bedel ay ku sameysay qiimaha Magta, Qoomaha iyo Meherka dumarka ee dacwadaha Maxkamaddaha soo gala waana sidan:-

1. Dilka, dhaawaca ama qoonta badheedhka ah waxa lagu kala qaadanayaa qiimo ah hashiiba 3,500,000 (Saddex milyan iyo shan boqol oo kun oo shilin Somaliland ah).

2. Dilka, dhaawaca ama qoonta aan badheedhka ahayn ee kama sida shilalka Baabuurta iyo wixii la mid ah ee maqaadiir ah waxaa lagu kala qaadanayaa qiimo ah hashiiba 2,500,000 (Laba milyan iyo shan boqol oo kun oo shilin Somaliland ah).

3. Meherka dumarka waxaa lagu kala qaadanayaa qiimo ah hashiiba 3,500,000 (Saddex milyan iyo shan boqol oo kun oo shilin Somaliland ah).

4. Wareegtadan waxaa ka baxsan wixii ay dhinacyadu dibadda kaga soo heshiiyaan.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker