Maxa Ka Jira In Somaliland Dalka Sierra Leone Ka Dalbatay Inay La Isticmaasho Furaheeda Xagga Internet-ka ?

Xukuumadda  Somaliland  ayaa Dawladda Sierra Leone ka codsatay inay la isticmaasho Furaheeda Xagga Internet-ka (Domain), maaddaama oo uu ku dhamaado SL oo u ekaan kara Somaliland.

Domain ayaa ah waxa Dawladaha Adduunku u adeegsadaan inay Magacooda raaciyaan Bogagga Internet-ka, sida (Google.so) ama (Google.co.uk), laakiin Somaliland oo muddo 30 sanadood ah ka Madax-bannaan Soomaaliya ayaan helin Madax-bannaani dhinaca Internet-ka ah, marka lagu eego indhaha Caalamka, waxaana jira (Google.so) oo u taagan Soomaaliya, balse taa beddelkeeda Somaliland ayaa doonaysa inay hesho Dhoomayn (Domain) siin kara Google.SL, kaasi oo ah ka Dawladda Sierra Leone.

Ma jiro War Rasmiya oo Dawladdu ku shaacisay arrintan,  laakiin  Warqad ku qoran Afka Ingiriisiga oo uu sheegay in Wasiirka Wasaaradda Boosaha, Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyaddu Dr. Cabdweli Suufi Jibriil Somaliland uu u diray Wasiirka Warfaafinta iyo Isgaadhsiinta Sierra Leone, kaasi oo Magaciisu yahay Mr. Mohamed Rahman Swaray, taasi oo kaga dalbaday in Somaliland la isticmaasho furaha Internet-ka ee .SL.

 

Warqadaas halkan hoose ka akhriso

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker