Wasaaradda waxbarashada JSL Oo War Kasoo Saartay Ardayda Wax ka Barata Gobolka Tigrey Ee Itoobiya.
Wasaaradda warxbarashada iyo sayniska Somaliland ayaa ka hadashay ardaydii waxbarashadu uga socotay gobolka Tigreyga ee dalka Itoobiya, kuwaas oo qaarkood iyaga oo aan soo wargelin wasaaradda ay dib ugu noqdeen gobolkaas.
Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda waxbarashada iyo sayniska Somaliland ayaa u dhignaa sidan:–
” Sida aad la wada socoteen, waxa jiray arday reer Somaliland ah oo waxbarasho Jaamacadeed u joogay dalka aynu jaarka nahay ee Ethiopia, gaar ahaan gobolka Tigraay ee ay dagaalladu ka dhaceen. Ardaydaas oo dedaal dheer kadib la soo daadgureeyey, iyaga oo bedqabana ku soo guryo noqday dalkooda hooyo ee Jamhuuriyadda Somaliland.
Waxa aannu xog sugan ku helnay in hal arday oo ka mid ah ardaydaasi uu dib ugu ambabaxay magaalada Maqalle ee gobolka Tigraay.
Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska JSL waxa ay u aragtaa in ardaygaasi uu ku kacay fal aan loo baahnayn.
Sidaa daraadeed, Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska JSL waxa ay ku wargelinaysaa dhammaan ardayda wax ka baranaysay Jaamacadaha gobolka Tigraay ee hadda ku sugan Somaliland:
1. In aanay ku noqon karin Jaamacadaha magaalada Maqalle ilaa ay oggolaansho rasmi ah ka helaan Wasaaradda Waxbarashada JSL.
2. In ardayda u hoggaansami weyda awaamiirta Wasaaradda Waxbarashada laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan.
Ugu danbayn, waalidiinta ardaydaasi waxaannu ku wargelinaynaa in aanay Wasaaradda Waxbarashadu masuul ka ahayn bedqabka carruurtooda haddii ay amar la’aan baxaan.
Ardayda ama Waalidiinta u baahan xog dheeraad ah hala soo xidhiidhaan Wasaaradda Waxbarashada iyaga oo soo wacaya lambarkan 9666. “
ALLAA MAHAD LEH.




