Joe Biden Oo Loo Dhaariyey inuu Noqdo Madaxweynaha 46-aad ee Mareykanka
Joe Biden ayaa si rasmi ah u noqday madaxweynaha 46-aad ee Mareykanka, ayada oo Kamala Harris ay noqotay haweeneydii ugu horreysay ee madaxweyne ku-xigeen ka noqota dalka Mareykanka.
Biden ayaa waxaa daqiiqado yar un ka hor 12-kii duhurnimo lagu dhaariyey Aqalka Capitol Hill ee Congress-ka Mareykanka, ayada oo uu dhaarta ka qaatay garsooraha sare ee Maxkamadda Sare ee Mareykanka.
Kamala Harris, oo ah haweeneydii ugu horreysay, iyo qofkii ugu horreeyey ee madow ah, iyo qofkii ugu horreeyey ee asal ahaan kasoo jeeda Koonfurta Asia ee noqday madaxweeyne ku-xigeen, ayaa waxaa dhaariyey garsoore Sonia Sotomayor oo ka tirsan Maxkamadda Sare ee Mareykanka.




