Ka Mid Mid Ah Darawaliinta Guddoomiye Cirro Oo Shil Gaadhi Ka Badbaadday.

Ka Mid Mid Ah Darawaliinta Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) Oo Shil Gaadhi Ka Badbaadday.

Cabdi Gaabuush Cabdilaahi (Indho Gaabuush) oo safarka ku wehlinayey Axmed Xirsi Ducaale ayaa ka badbaaday shil Gaadhi oo ay ku galeen Deegaanka Gal-ciidle Ee Degmadda Ceel-afweyn Ee Gobolka Sanaag.

 

Labaddan Muwaadin oo kasoo safray Xaruunta Gobolka Sanaag ee Ceerigaabo oo ay Hawlo shaqo u joogeen maalmihii la soo dhaafay, ayaa gaadhigii ay wateen kula qalibmay Buunddada Gal-ciidle maanta abaaro 1:20 Pm Duhurnimo ee Saacadda Geeska Afrika. Kadib Markii uu u Qarxay labadda Shaag ee Hore mid ka mid ahi.
Ka sakoow burbur xoogle oo soo gaadhay gaadhigooddii. Ilaahay waxba kuma yeelin labaddooddii oo way Caafimaad qabaan. Iyagoo safarkooddii kusoo jira, Isla-markaana watta gaadhigooddii Saddexda jeer Isla rogay.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker