Siyaasi C/kariin Xuseen Guuleed oo ka digay xiisada ka taagan Dhuusamareeb

Dhuusamareeb (OWN) – Madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka  Galmudug, Mudane Cabdikariin Xuuseen Guuleed ayaa si kulul uga hadlay xiisada u dhexeysa Ururka Ahlu Sunna Waljamaaca iyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ee ka taagan gudaha magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Cabdikariin Xuseen Guuleed oo la hadlay VOA-da ayaa walaac ka muujiyey ciidanka lageeyey magaaladaasi, wuxuu xusay inuu ka cabsi qabo in dagaal uu ka qarxo hakaasi.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in haatan Galmudug ay ku socoto fashil iyo burbur, sida uu hadalka u dhigay.

“Dowladda dhexe waxaa u soo jeedinayaa arrintaas inay wanaag iyo wada hadal ku maareyso, caqliga inuu taliyo, waxaa ka cabsi qabnaa inuu yimaado dagaal iyo fadqalo”ayuu yiri madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka Galmudug.

Guuleed oo sii hadlaya ayaa intaasi ku daray “Ciidamada laga soo daabulayo gobolka ay Muqdisho u baahneyd in ammaankeeda lagu sugo, uma maleyn maayo maslaxad inay keeneyso, Galmudug ciidan uma baahno, qori uma baahno, waxay u baahan tahay caqli iyo maskax”

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo shalay hoggaanka sare ee Ahlu-Sunna uu shaaciyey inuu bur-buray heshiiskii ay la gashay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Ahlu Sunna ayaa ku eedeysay dowladda dhexe inay ka baxday heshiiskaasi, waxaana ku dhawaaqday dagaal ay sheegtay inay isku difaaceyso.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker