Cisbitaalka Degmadda GAASHAAMO Oo Shaqaddii Adeegga Caafimaad Ee Adeegga Dadweynaha Durba Bilaabay

Cisbitaalka Weyn ee Degmadda Gaashaamo Ee Gobolka JARAR Ee Is-Maamulka Soomaalida Ee Dalka ETHIOPIA, ayaa si Rasmiya Shaqaddii Adeegga Caafimaad ee Dadweynaha u bilaabay, Kadib Muddo bil ka hor ah oo uu Madaxweyaha DDS Md Mustafa Muxumed Cumar (Cag-jar) oo Xadhiga ka jaray.

Warkan oo aanu ka soo xiganay Xildhibaan Nadir Yusuf oo ka mid ah Xildhibaannadda Dawlad Deegaanka Soomaalida Ee Dalka ETHIOPIA ee laga soo doorto Degmadda Gaashaamo, ayaa soo dhigay Barta uu ku leeyahay Mareegta Xidhiidhka Dadweynaha Ee Facebook ayaa Siddan u dhignaa:- “Waxaa si toos ah Shaqada u bilaabay Cusbitaalka Magaalada Gaashaamo oo mudo bil ka hor ah uu Madaxwaynaha Deegaanka Soomaalidu Xadhiga ka jaray xili uu socdaal ku marayay Gobolka JARAR iyo Gobolka Wardeer Ee DDS.

Cusbitaalkan oo dhismihiisu socdey mudo ku dhow 3 Sanno, ayaa waxaa ku baxday lacag kor u dhaafaysa 85 million oo birr Cusbitaalka degmada Gaashaamo, ayaa ka kooban dhammaanba qaybaha kala duwan ee waaxaha Cusbitaaladda.
Waxaana Warbaahinta la hadlay Qaar ka mid ah Dadkii Nasiibka u yeeshay in Dhakhtarku Shaqadiisa ku bilaabo waxayna Sheegayna in ay aad ogu faraxsan yihiin ayna soo dhaween hayaan inay helaan adeeg Caafimaad oo dhamaystiran waxana Qayb wayn ka qaatay maamulka Degmada Gashaamo ee uu ka mid yahay Abdi Hasan Warsame oo ah madaxa arimaha xisbiga PP. Iyagoo Sheegay in horey Adeegyada Caafimaad ugu doonan jireen halka ay ugu Sokeyso magaalada war dheer ee xarunta Gobolka Doollo iyo Magaalada Dhagaxbuur Ee Xarunta Gobolka Jarar.

Cusbitaalkan ayaan la filayaa inuu adeega siin doono Shacab ka badan Sideed Boqol oo Kun (800,000) kuwaas oo ku Nool Degmada Gaashaamo iyo 7 degmo oo kale oo Gobolka jarar ka mid ah.
Waxaan kudarayaa:-
○ Hirgalinta Hospitalkani waxay ahayd baahida bulshada hawd ay Qabto kuwa ugu waawayn midka mid ah; taaso bulshadaasi Adeega Caafimaadka u doonan jirtey
Hospitalada
Wardheer
Dhagaxbuur
Jigjiga
Burco
Hargaysa Iwm
○ Hospitalkan oo mudo badan bulshada qaybaheeda kaladuwan kahawl galijiren, wakhti kastana xukumada loosoo bandhigijiray, Tussaale aan usoo qaadankaro xiligii mashruucan goobtan lakeenidono oo uu hawlgal iyo Taarikh mugleh kulahaa Suldaan Maxamed Suldaan Xirsiqani Alleh caafimad sareecan ah hasiiyoe.
Xiligaa iyo xeeladiisi waxdoon waxay ahayd guusha kusuntan.
○ Hospitalkan waxaa dhistey shirkad wadaniyad u dhistey oo kadhigtey hospitalka ugu tayada badan marka Miisaaniyada gashay loo eego.
Ugu danbayn waxaan u mahadcelinayaa xukuumada DDS iyo cidkasta oo ka qayb qaadatey hirgalintiisa”.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker